Ciidamo Taabacsan Madaxweyne Farmaajo oo la wareegay Taalada Daljirka Daahson

Wararka ka imaanaya Taalada Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ayaa sheegaya In Halkaasi ay la wareegeen Ciidamo wata Baabuur gaashaaman kuwaas oo dhawaan Tababar uu ugu soo dhamaaday Dalka Turkiga .

Ciidamadadaan ayaa xiray dhammaan wadooyinka laga soo galo taalada Daljirka Daahson kuwaas oo u diiday  Dadka shacab ka ah iyo Gaadiidka in ay Taagan Taalada Daljirka Daahson.

Ciidamadan ka Tirsan Dawlada Federalka ayaa dagaal la galay Ciidanka Midowga Musharixiinta kuwaas oo la wareegay Taalada Daljirka Daahson ee  ku taala Degmada Boondheere

Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka Midowga Musharixiinta iyo kuwa Dawlada Federaalka uu sababay khadaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray labada dhinac ee dagaalka uu dhexmary iyo Dad shacab ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com