Ciidamo maraykan ah oo caawa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ” Akhriso+ Ujeedada

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka soo degtay diyaarad military oo nuuca xamuul ka qaada ah oo ay la socdaan Ciidamo maraykan ah.

Diyaarada ayaa Fiidnimadii caawa ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde

Ciidamo aad uu hubeysan oo maraykan ah ayaa la socda diyaarada kuwaas oo la sheegay in ay yimaadeen markii madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni uu qaylo dhaan u diray beesha caalamka oo ah in Farmaajo Ciidamo Haramcad loo yaqaan uu ku gadaamay xeyndaabka xalane halkaas oo berry uu shirka ka furmi doono

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in isaga iyo Axmed madoobe uu ay Amnigooda uga baqdin qabaan Ciidanka Farmaajo. Markaas ka dib ayaa waxaa dhacday in ciidamo Amisom ah caawa ay gaaraan xerada Afisiyooni halkaas oo ay kula kula kulmeen sarakiil ka Tirsan maaxtooyada Soomaaliya waxanaa ay kala hadleen Amniga goobta shirka uu ka dhacayo iyaga ay la wareegayaan murun dhexmaray ka dib loo ogolaaday in ciidanka Amisom ay la wareegaan goobta shirka beri uu ka Furmo doono ka dib waxaa xigay in diyaarad weyn oo sida ciidamo maraykanka ah ay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha ee Muqdisho .

Warar kale ayaa shegaya in ciidamada maraykanka sababta ay u soo gaareen muqdisho ay tahay in markii xaalka uu xumaado ay daabuulaan diblumasiyiinta maraykanka eek u sugan xerada xalane.

Hase ,ahaatee arintaan ayaa ku soo aadeeysa ka dib markii war ka soo baxay maraykanka lagu amray dhammaan madaxdadawlad goboleedyada in aysan muqdisho ka bixi Karin illaa inta go’aan cad laga soo saarayo shirka doorashooyinka si deg deg ahna doorasho lagu qabto.

Xafiiska wararka Muqdisho

info@aragticusub.com