Ciidamo lagu soo Tababaray Dalka Turkiga oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Ciidamadaan  oo ka ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad ee Gorgor ee Kumandooska Soomaaliya oo Wadanka  Turkiga Tabar ku soo qaatay ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Ciidankaan  oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed .

Wasiirka Gaashaandhiga ee XFS Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay walaalaha Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

“Dhismaha ciidanka waa socdaa xuquuqdoodana waa diyaar, Soomaaliya Hanoolaato” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga  Xasan Xuseen Xaaji.

Dawlada Turkiga ayaa soo tabartay Ciidamo aad u tirabadan kuwaas oo qayb ka ah Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com