Ciidamo la wareegay Amniga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada  Matabaan ee gobolka Hiiraan

Ciidamada la wareegay gacan ku heynta degmada Matabaan ayaa la soo  sheegayaa in hore uga tirsnaayeen  Maamulkii   Ahlusunna ee lagu biirayay Ciidanka militariga Soomaaliya gaar ahan qaybta 21aad.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidankaasi ay wataan gaadiid dagaalka oo ay ku buusan tahay astaan ciidanka Xoogga dalka gaar,ahaan qaybta 21aad  waxana  ay la wareegeen Fariisimo muhiim ku yaalla degmada matabaan ,

Goobaha ciidanka ay la wareegeen ayaa kala koontaroolada laga soo galo Matabaan iyo Saldhiga Booliska, waxana sidoo kale halkaasi ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Lama Oga ilaa hadda sababta ka dambeysa in ciidankaasi ka Tirsanaa Ahlusuna kuna biiray Ciidamada Militariga Soomaaliya ay la wareegaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiran.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

.