Ciidamo katirsan AMISOM oo sabab  ugaar ah looga saarayo Somalia.

Muqdisho (Aragti Cusub):- Uganda oo ka mid ah dalalka ay ciidamada Nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar kamid ah ciidamadeeda ay kala baxday Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyadoo dalkaasi 14 bishan Janaayo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrinkan ayaa sheegay in ciidamo heer sare ah la geeyay magaalada Kambala si ay meesha uga saaraan dambiyada ka dhanka ah amniga doorashooyinka.

Yoweri Musaveni ayaa wuxuu sheegay in cutubyo ka tirsan militariga oo si heer sare ah loo tababaray oo howgallo nabad ilaalin ah ka waday Soomaaliya ay sugi doonaan amniga ka hor doorashooyinka.

Museveni wuxuu sheegay in arimahan ay ku qasbeen inuu dib ugu yeero ciidamada ka joogay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan adkaynta nabada Kampala. “Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni

Nagala soo xiriir aragticusub@gmail.com