Ciidamo ka Tirsan PMPFta Puntland oo Tababar loo soo xiray

Ciidamo ka tirsan PMPF puntland , ayaa tababar loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamadaan oo loo baray takhakhusaad kala duwan, ayaa tababarka loogu soo xiray taliska guud ee ciidanka PMPF ku leeyahay Boosaaso, halkaas oo ay ku soo bandhigeen wixi la baray.

Madax ka Tirsan Puntland iyo saraakiil ciidan, ayaa ka qayb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankan.

Madaxda iyo saraakiishi ka qayb-gashay munaasabadda xiritaanka tababarkaas ayaa bogaadiyay tababarka iyo dib u habaynta dowladdu ku wado qaybaha ciidamada Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com