Ciidamo ka gadooday Puntland oo Jidgooyo dhigtay wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Puntland oo ka gadooday mushahar la’aan, ayaa ku dhawad hal todobaad isbaaro u taal laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

ciidanka gadoodsan, ayaa  ka cabanaya xuquuq iyo mushahar ka maqan ,waxaana ay u diideen  mas’uuliyiinta Puntland in ay isticmaalaan wadada dheer ee isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidanka  Gadoodsan ayaa sheegay in aysan halkaas ka tegi doonin inta laga siinayo xuquuqda ka maqan, islamarkaana aysan mas’uuliyiinta u ogolaan doonin isticmaalka wadadaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale  sheegay  in ay is hor-taag ku sameeyeen Wasiirk Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, balse safarkiisa uga baaqday xirnaanta wadada Laamiga ah .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com