Ciidamo ka gadooday Dawlada Federaalka oo soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho

Ciidamo gadoodsan  oo ku hubaysan noocyada kala duwan islamarkaana wata  gaadiidka dagaalka, ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo .

Ciidankaan oo uu Hogaaminaayo korneyl Saney Cabdule ayaa ka soo baxay faruumaha dagaal ay kaga jireen goboka shabeelaha dhexe waxana ay diidan yihiin sida la sheegay muddo kororsiga dawlada soomaaliya loo sameeyay

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka  Odawaa Yuusuf Raage, ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ugu baaqay, in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, balse waxa la sheegay in ay ka diideen.

Saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ayaa doonaaya , in ay warbaahinta la hadlaan si ay uga warbixiyaan tallaabooyinka waxa ay damacsan yihiin , haddii aan muddo kororsiga  laga laaban.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com