Ciidamo Hawlgal ka sameeyay Bariga Gobolka galgaduud

Howlgal ka dhacay Deegaanka Shurufle ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al shabaab.

Horjoogahan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Warsame oo Afgarashadiisu ahayd (Sigane), wuxuuna ahaa horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa deegaanada Cadakibir,Warshubo iyo Qaayib oo dhammaan ka tirsan Bariga Gobolka Galguduud.

Horjoogahaan ayaa yimid deegaanka Shurufle sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Galmudug, waxaana howlgalkaas fuliyay Xubno ka tirsan Ciidanka sirdoonka Qaranka ee Nisa

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com