Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadooyin muhiim ah

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawishta dowlad goboleedka Galmudug oo gadoodsan ayaa waxaa ay saaka la wareegeen saddex Bara-koontorool ah oo ku yaal Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada oo ka tegay Xera Indha qaris ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay u diidayaan inay galaan ama ka baxaan Magalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah Saraakiisha hoggamineysa Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in in ka badan Saddex bilood aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay wayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaawday dadaalo ay wadaan Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka & Maamulka, kaas oo ay ku doonayaan in Ciidamada dib loogu celiyo Xeradooda, sidoo kalena ay helaan xaquuqdooda.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ay sameeyeen Gadood, iyaga oo xirtay wadooyin muhiim ah, balse markii dambe xal laga gaaray.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com