Ciidamo fariisin ka sameystay Xaafado u dhow Madaxtooyada

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan iyo hub cul culus ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay fariisino cusub ka sameysteen Xaafado ka tirsan degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadaha u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Ciidamada oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Warsame oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Howlwadaag ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Xaafadaha Shanta-Geed, Isgoyska Bakaaraha, Sayidka iyo Hotelka Wehliye, isla markaana ay ka sameysteen difaacyo culus.

Waxaa uu sheegay inay kasoo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka aqbaleyn, sidoo kalena ay dagaalami doonaan ilaa uu ka tanaasulo muddo kororsi.

Ugu dambeyn Sarkaalka oo Wariyeyaasha soo marsiiyay kuna soo wareejiyay Xaafadaha degmada howl-wadaag waxaa uu sheegay inay ku wajahan yihiin Madaxtooyada Soomaaliya si ay ula wareegaan.

Xalay ayaa waxaa Xaafado ka tirsan degmada howl-wadaag ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo Millateri ah oo taagersan Mucaaradka, kuwaas oo sjeegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com