Ciidamo Dheeraad Ah Oo La Geeyay Mandheera Iyo Xiisad Weli Taagan

Wararka aan ka heleyno Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dowladda Kenya saacadihii lasoo dhaafay ay geeysay Ciidamo aad u badan.

Boqolaal Askari ayay dowladda Kenya geysay Mandheera oo shalay uu ku fiday dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland gaar ahaan kuwo taageersan Wasiirka amniga Jubbaland oo baxsad ah.

In ka badan 25 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Saldhiga ku yaalla Magaalada Mandheera, kadib markii uu xoogeystay dagaalkii shalay, waxaa sidaas baahisay warbaahinta Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Ciidanka Kenya ay taagerayaan Ciidanka maamulka Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana weli taagan xiisad u dhexeeysa Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com