Ciidamadda Amniga oo Hawlgallo dad badan lagu soo qabtay ka sameeyay degmada Wadajir

Ciidamada Nabadsugida, Booliska Gobolka Banaadir & kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, sigaar ah Waaxyaha Janeraal Daa’uud iyo Xaawo-Taako.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay mararka qaar gudaha u galayeen Guryaha laga shakiyo, waxaana saraakiisha Ciidamada ay howlgalka ku sheegeen in uu yahay mid looga hortagayo Kooxaha Burcadda ah, ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Dad u badan dhalinyaro oo howlgalka lagu qabqabtay ayaa leysugu keenay goob barxad ah, waxaana kula hadlay saraakiisha Ciidamada, iyaga oo ka dalbaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga, iyada oo ay xusid mudan tahay in qaar kamid ah dadkaasi la xiray halka badi dadkaasi la sii daayay.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Wadajir Nasri Axmed Maxamed oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in dadka degmada Wadajir ay si nabadgelyo a ku noolaadaan.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka degmada inay laamaha Amniga la Shaqeeyaan, ayna u soo gudbiyaan Ciidamada, isla markaana ay diyaar u yihiin inay mar walba ka Shaqeeyaan sugida Amniga degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa dhankiisa sheegay inay tahay in wax kasta oo xun hal meel looga soo wada jeesto, lana ogaado in Shacabka iyo laamaha amniga ay yihiin kuwo iskudan ah, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in la wada Shaqeeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com