Ciidamada Xoogga Dalka oo Hawlgalo ka Sameyay duleedka Degmada Afgooye + Sawiro Daawo

Ciidamada Kumaandooska Danab Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Hawlgalo ka sameeyay degaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

Degaanada Ciidanka Xoogga Dalka ay Hawlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Cumar Beere , Doonka kaxaroow, maguurto , Buulaloow,Balgooy, Doonweyne iyo Xaanshooley oo dhamaantood hoostaga degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose .

Hawlgalka ayaa ahaa mid ciidamada ay ku raad joogeen Xubno ka Tirsan Alshabaab oo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in halkaasi ay ku dhuumaaleysanayeen waa sida ay hadalka u dhigeen Saraakiisha ciidankaasi.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com