Ciidamada Xoogga Dalka oo Hawlgal ka Fuliyay Shabeelaha Dhexe

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Axmed Maxamed Tareedisho  iyo saraakiil uu Hogaaminaayo ayaa Hawlgalo ka wada degaano ka Tirsan Gobolka shabeelaha Dhexe.

Hawlgalka ayaa ka dhashay khasaare kala duwan ka dib markii Alshabaab iyo Ciidamada Xoogga ay ku dagaalameen degaano hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka shabeelaha Dhexe waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Hawlgalka ka qayb qaadaneysay  ayaa warbaahinta u sheegay in Alshabaab  ay dhowr nin gacanta uga dhigeen qaarna ay dileen balse wararkaasi maha kuwo la hubo mana jiro war ka soo baxay Alshabaab ee looga hadlay in maxabiis laga qabtay.

Alshabaab ayaa muddooyinkii  dambe  dhaqdhaqaaqyo ka waday gobolka shabeelaha dhexe Halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro qaraxyo  ah oo ay bla beegsadeen Ciidamada Dawlada Federaalka eek u sugan Halkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com