Ciidamada Puntland oo Hawlgal lagu soo qabtay Dad badan ka sameeyay Gobolka Mudug

Ciidamada Amniga Puntland  ayaa Hawlgalo lagu soo qabtay Dad lala xiriirinaayo Alshabaab ka sameeyay degaano ka Tirsan Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan laamaha  Amniga puntland ayaa  xaqiijiyay in shaqsiyaadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro u dhashay degaanka, oo ka soo laabtay Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa la xiray  oo xabsiga la dhigay qaar ka mid ah dadka wareejiya Ganacsiga yar yar, oo laga mamnuucay Ganacsigaasi.

Saraakiishu waxay sheegeen in Hadda baaritaan ku socdo Dadkii lagu qabtayHawgalka  Gaalkacyo, kuwaas oo aysan weli ku caddayn, haddii ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com