Ciidamada Puntland oo Hawlgal ku soo qabtay shaqsiyaad diyaarinayay Qaraxyo

Taliska Ciidanka Puntland ee PSF, ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku soo qabteen Dad lagu Eedeeyay in ay diyaarinayaayeen Qaraxyada lagu aaso Buuraleyda Gobolka Bari, kuwaas oo lala beegsado Ciidamada Puntland.

Qoraal ka soo baxay PSF, waxa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, balse la xusin haddii shakhsiyaadka la qabtay ay ka tirsan yihiin Daacish ama Al-shabaab.

Ciidanka PSF hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen shakhsiyaad la raadinayey oo diyaariya waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo kadibna geeya buuraha si loogu waxyeeleeyo ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Cal Madow.” Ayaa lagu yiri Qoraalka PSF.

Hay,adaha Amniga Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo xiriir ah ka waday gudaha Boosaaso, kadib markii qof dumar ah magaalada lagu dilay todobaadkii tegay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com