Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Nanadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo degaano hoostaga.

Howlgalka oo uu horkacayay Taliyaha NISA Ee Dagmada B/weeyne Ibraahim Maxamed Abuukar  ayaa waxaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo degaano hoostaga degmada Beledweyne dadka ku nool ka qaadayay Xoolo & lacag loogu Magac daray Sakawaad.

Taliyaha NISA ee Magaalada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar  ayaa sheegay in degaannadi ay howlgalka ka sameeyeen ay isaga tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yihiin Ciidamada, balse ma sheegin waxyaabo ay ku qabteen howlgalkaas.

Ugu dambeyn Taliyaha waxaa u sheegay inay howlgallada sii socon doonaan ilaa iyo inta degaannada hoostaga Magaalada Beledwyene laga saaro Al-Shabaab oo uu sheegay inay geystaan falal amdi darro.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com