Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in Xaafadaha magaalada Kismaayo ku qabateen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Jubland ayaaintaa ku daray in ay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee Kismaayo islamarkaana gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Shabaab.
“Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda.
Saraakiisha Nabad-sugidda Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in ay si dhammaystiran uga warbixin doonaan Hawlgalkaas markii uu soo dhammaado.
Info@aragticusub.com