Ciidamadii ka soo horjeeday Muddo kordhinta Dawlada Islamarkaana ilaalo u ahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Taliyihii hore Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa ka guuray Farsiisinkii ay ku lahaayeen Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, halkaas oo ay ku sugnaayeen.
Ciidamadaasi ayaa u guuray Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo,ay dhufeysyo ka sameysteen .
Sido kale CiidamadaHay’addaha Amniga Dawlada Federaalka ee Dowladda ayaa ayaa furay wadada u dhaxeysa Isgoysyada lambar 4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamada mucaaradka
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka bilowday barakac ay sameeynayaan dadka Shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho dagaal markale Halkaasi ka dhaca.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com