Ciidamada Kenya oo baaritaano ku haaya Dad ay uga shakiyeen in Alshabaab ay ka Tirsan yihiin

Taliska ciidamada Dambi Baariska dalka Kenya ayaa boggooda Facebook ku shaaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen.

Howl-galkan ayaa ka dhacay magaalada Isiolo.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayey magacyadooda ku kala sheegeen Cabi Fataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamed.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray qori AK47 ah, 128 wareeg oo rasaas ah iyo labo gambo oo nooca gacanta laga tuuro ah.

“Baaritaan ayaa lagu wadaa labada la tuhunsane, waxaana kiiskooda gacata ku haya laamaha burburinta bambooyinka iyo la dagaallanka argagixisada ee booliska,” ayaa lagu yidhi qoraalka lasoo dhigay Facebook.

Taliska Dambi baarista ayaa sheegay in ciidan joogay waddo ay ka shakiyeen labo gaari oo noocoodu yahay Toyita Probox, markii ay damceen in ay istaajiyaanna ay ka carareen.

Waxay intaas ku dareen in ay rasaas soo fureen dadkii saarnaa gawaarida laga shakiyay, ciidankuna ay rasaas ugu jawaabeen, ugu dambeynna labo nin oo mid ka mid ah gawaarida saarnaa is dhiibeen, halka gaarigii kalena ay u suuragashay in uu baxsado.

Ciidamada Kenya ayaa mudooyinkii dambe baaritaan ku waday Dadka Saaran Baabuurta kuwaas oo ay uga shakinayaan in ay ka tirsan yihiin Alshabaab

Sidoo kale Alshabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay weeraro ka geysanayay gudaha Dalka Kenya

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com