Ciidamada Jubland iyo Kumaandooska DANAB oo Hawlgal ka Fuliyay gobolka Jubada Hoose

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Sida gaar ka ah U Tababaran ee Kumaandooska DANAB, ayaa hawlgal qorshaysan ay ka Fuliyeen gobolka Jubada Hoose Hawlgalkaas oo ka dhan ah

Al-shabaab.

Hawlgalka oo laga fuliyay Degaannada Dhisheeg-waamo, Maroodi-gubow iyo Dhaayunbow ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Saraakiisha Hawlgalka ayaa soo bandhigay Magacyada laba horjooge oo kamid ahaa dadka ku dhintay Hawlgalka, ayaa lagu sheegay horjooge Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubada Hoose iyo sidoo kale horjooge magaciisa lagu soo koobay Xirow.

Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlagalkas, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la burburiyay dhammaan xarumihii Al-shabaab ku lahaayeen Degaannada laga fuliyay Hawlgalka Waana sida ay Hadalka U dhigeen Saraakiisha Hawgalka Hogaamineysa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com