Ciidamada ithopia oo gaaray deegaan lagu dilay dad soomaalia ah

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Federaalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay degmadda Raaso oo ka irsan dhulka dowlad degaanka soomaalida, halkaas oo shalay Ciidamada liyuu Boolis ay ku dil & dhaawac ugu geysteen dad Shacab ah

Ciidamada liyuu Boolis ayaa degmadda Raaso ku rasaaseeyay Shacab dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedeen heshiis la sheegay in laba beelood ay ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa, waxaana rasaastaas ku geeriyooday lix qof halka 30 kale ay ku dhaawacmeenWali lama aasin Maydadka dadlii ay dileen Ciidamada Liyuu Booliska, waxaana dadka ku nool degmadda Raaso ay dalbanayaan in Ciidamada Federaalka Itoobiya magalada laga saaro, kadib kulan ay la qaateen Odayaasha degmada Saraakiisha Ciidamada.Maalinta berito ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka, Wasiirada, maareeyaasha kaasoo jeedo magaalada Raaso, iyaga oo go’aan ka qaadan doona dadkii lagu dilay Magaalada Raaso

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com