Ciidamada Ilaalada u ah Madaxweynaha Jubland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo degay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha jubland Axmed Maxamed IIslam Axmed Madoobe.

Ciidankaan ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe oo saacadaha soo socda ku soo wajahan muqdisho

Wafdiga Axmed madoobe ayaa Magalada Muqdisho Uga qayb galaya shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan arimaha  doorashooyinka islamarkaana u dhexeya Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com