Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal sameeyay

Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa saacadihiia soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Deegaanada howgalka xooggan laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaas oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaasi Hiiraan.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wadaan Hirshabeelle kaas oo Al-shabaab lagu doonayo in looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Maamulka Hir-Shabeelle.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Janeraal Axmed Maxamuud Maxamed (Tareedisho)oo hor kacayay howlgalka ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen, isla markaana degaano dhowr ah ay la wareegeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com