Ciidamada Dawlada oo Rasaas ku kala Eryay Dibad baxayaal

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in in ciidamo ka Tirsan dawlada Federalka Soomaaliya ay rasaas ay ku fureen banana baxayaal ay Hogaaminaayaan Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre , Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur warsame iyo Xubno kale oo uu ku jiro Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dibad baxayaasha ayaa kala tageen ka dib markii ciidamada dawlada Rasaas nool nool ay u isticmaaleen Banaanbaxayaashaasi kuwaas la kala Eryay

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay rasaasta ay ciidanka dawlada ku fureen dibad baxayaasha.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com