Ciidamada Dawlada oo Hawlgalo ka Fuliyay qaybo ka mid ah gobolada Dalka

Ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed   ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan gobollada Shabeelooyinka.

Ciidanka aya Halgalka waxa ay ka sameeyeen  degaanada kala ah, maguurto, Doonka weynow,Doonyarow,Cadeyley,Lafagaale iyo kuwa kale waxaana Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa saraakiishu waxa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka Tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal howlgalka Hoggaaminayey oo la hadlay Warbaahinta Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegay in lagu qabtay 18Xubnood oo Alshabaab ka Tirsan   kuwaas oo qaalbilsanaa miina gelinta waddada u dhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

“Muhiimada howlgalka waa in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada si loo baabi’iyo miinooyinka ay geliyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri  sarkaal Hawlgalka Hogaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdalla Mustafe .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com