Ciidamada Dawlada oo Hawlgal kula wareegay Degaanka Gandarshe

Muqdisho: Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka & Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo hoostaga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgallo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa saraakiisha Ciidamadu sheegeen in Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Gobalka shabelada dhexe oo maalmahaanba ciidamadu ay ka waden howl gallo qorshasan ayay ciidamadu la wareegeen deegaano dhawra oo ka tirsan gobalkaasi waxaana  ugu dambeeyay deegaanada jilib marka iyo gandarshe.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa horay waxay howlgallo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka, waxaana laga saaray Al-Shabaab jidka isku xira labada magaalo.