Ciidamada Dawlada oo Hawglo ka sameeyay Degaano hoostaga degmada Balcad ee G/ shabeelaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoosta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  Halkaas oo Fariisin ay ku lahaayeen , Al-Shabaab

Deegaanada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen aya a kala ah God Doonfaar, Xaluushin, Diidow, Buulo Dhagaxow, Bulo Macalin, Duurey iyo Banyaale oo ka wada tirsan Degmada Balcad.

Taliye hogaaminayay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ciidamada ay bur buriyeen xarumo badan oo isugu jira goob oo ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay lacago iyo goob maxkamad beenaad u ahayd oo ay ku dhibaateeyn jireen bulshada.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa ay sidoo kale ciidamada gacanta ay ku dhigeen Xubno Alshabaab ah iyo Saraakiil  kale Alshabaab ka Tirsan kuwaas oo caan ka ahaa deegannada howlgalka laga sameeyay ee hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com