Ciidamada Dawlada oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Mahdaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Degmada Mahdaay ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya ay dib ula wareegen gacan ku heynta degmada Mahdaay

Alshabaab ayaa shalay Dhawr jiho ka soo weeraray degmada mahday ee gobolka shabeelaha Dhexe waxaana u suurabgshay in muddo saacado ah ay ku nagaaadaan halkaasi

Ciidanka Dawlada eek u sugan degmada Mahday ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa u soo cararay dhinaca Warshadii hore ee Hubka oo ay Fariisin ka sameysteen Ciidamada Amisom

Hase ,ahaate Ciidamada dawlada ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada mahday ee gobolka shabeelaha Dhexe ka dib dagaal xoogan oo dhex maray iyaga iyo Alshabaab balse kolkii dambe Alshabaab ayaa dib uga baxay degmadasi  iyadoo wararka ay sheegayaan in uu jirom khasaare balse aan la ogeyn khasaraha iyo halka uu gaarsiisan yahay waxaana degan xaalada guud ee degmada mahdaay xilligaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com