Ciidamada Dawlada & kuwa Degaanka oo Hawlgal kula wareegay Degaanka Masagawaay

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta howlgal kula wareegay degaanka Masagaway oo katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada huwanta ah waxaa ay howlgallo ka wadeen xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, hayeeshee ugu dambeyn ay Maanta Ciidamada udaha u galeen degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ururka 52aad ee qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada ay hadda howlgallo ka wadaan gudaha iyo daafaha degaanka Masagawaay.

Sidoo sarkaalkaan ayaaa Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah Shacabka degaanka Masagawaay ay degaanka isaga barakaceen, iyaga oo cabsi qabay in dushooda lagu dagaalamo, balse uu sheegay inay dhawaan dib ugu soo laaban doonaan degaanka.