Ciidamada Dawlada Federaalka oo Hawlgalo ka sameeyay Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka,  oo kaashanaya kuwa Maamulka Jubbaland,  hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab, waxay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay degaano u dhow degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga degaanaadaas.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanada howlgalka laga  fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo Alshabaab si dhuumaaleysi ah  ku gaaraan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com