Ciidamada Ciraaq oo gacanta ku dhigay Muftigii ugu weynaa ee Daacish(Sawiro).

Muusil,Ciidamada Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay ninka u fatwon jiray Daacish dilalka.

Ciidamada Ciraaq ayaa ninkaan gacanta ku dhigay Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.

Ninkaan ayaa ahaa ninka ugu sareeya ee Daacish u fadwon jiray dilalka ay ka fuliyaan gudaha dalkaas.

Abuu Cabdulbaari oo in muda ah dhuumaaleysi ku jiray ayaa ugu dambeyn gacanta u galay Ciidamada.

Arinta xiisaha leh ee warbaahinta aad u soo jiidatay ayaa aheyn in Wadaadkaas oo aad u cayilan ciidamada ciraaq ku guuldareesteen in gaari caadi ah saaraan.

Waxaana la arkayay Wadaadka oo la saaray gaari weyn oo dusha ka fulay Cayilka uu qabo dartii.

Wadaadada u fadwooda Argagixisada ayaa inta badan ah kuwo nolol fiican ku nool halka ay qaraxyo iyo dilal u fatwoodaan Carruurta yar yar iyo dadka caamada ah ee aan si fiican diinta Islaamka Macnaheeda u fahansaneen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com