Ciidamada Badda Tuniisiya oo badbaadiyay Dad Tahriibayaal ah oo Soomaali ay ku jiraan

Ciidmada Badda ee Tuniisiya oo wata Doomo kalluumeysi ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna sii jeeday jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga .

Doontii ay wateen tahriibayasha ayaa ku cilladowday meel u jirta 110 km dekadda Alshaaba ee Tuniisiya

Mas’uul u hadlay ciidamada ilaalada badda ee dalka Tuunisiya ayaa sheegay in dadkaan lasoo badbaadiyay ay caafimaad qabaan loona wareejiyay goob loogu tala galay tahriibayaasha.

Mas’uul ka  ayaa intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo kala jeedaan dalalka  Suuriya, Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Bangladesh, waxaana ku jira 6 dumar ah iyo 5 caruur ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com