Ciidamada ATMIS iyo Al-Shabaab oo madaafiic isku weeydaarsaday Gobolka Hiiraan

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaas madaafiic ah ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in weerarka madaafiicda ah uu ku dhaawacmay halruux sidoo kalena goobo ganacsi qaarkood ay ku burbureen, waxaana Ciidamada Itoobiya eek amid ah howlgalka ATMIS dhankooda ay weerarka madaaficida ah uga jawaabeen madaafici kale.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo la sheegay inay heleen xogta weerarka Al-Shabaab ayaa difaacyo adag ka sameestay deegaanno dhaca duleedka Bari ee Maxaas, taasi oo keentay in ay jawaab ka bixiyaan weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka Magaalada ay yihiin kuwo caadi ah.