Ciidamada Amniga Puntlnd oo Hawlgal ka sameeyay Magaalada Boosaaso

Ciidamada Amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay Xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish, kadib markii hawlgal ciidamada Amniga ay  ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Mas’uliyin ka tirsan laamaha  Amniga puntland , ayaa warbahinta u sheegay in baaritaan lagu haayo dadk la qabtay.

Dhawaan , Hay’adaha Amniga  Puntland ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan Xubno lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish , kuwaas oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan Boosaaso.

Sarakiisha Amniga Puntland ma aysan soo bandhigin tirade Dadka la qabtay iyo Magacyadooda balsetani ayaa ku soo beegantay xilii hay,adaha Amniga Puntland ay Hawlgalo baaritaano ah ka bilaabeen Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com