Ciidamada Amniga Puntland oo ku raad jooga shaqsiyaad la sheegay in Falal Amni xumo ah ka geystaan Boosaaso

Ciidamada Amniga Puntland , ayaa ka bilaabay magaalada Boosaaso Hawlgal ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Daacish iyo Alshabaab, kuwaas oo doonaya in ay weeraroay ka geystaan Magaalada Boosaaso.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PSF puntland , ayaa lagu sheegay in Ciidanku ay xaafadaha Boosaaso ka sameeyeen hawlgal lagu raadinayo shakhsiyaad ka tirsan kooxaha Falalka Amni xumo  , doonaya in ay ka gaystaan Boosaaso.

“Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa sameeyey hawlgal lagu raadinayey shakhsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay falal argagixisanimo ka geystaan magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Warka Qoraalka ah oo ay soo saareen ciidanka Psfta Puntland laguma sheegin haddii Hawlgalka Dad lagu soo qabtay  iyo in kale.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com