Ciidamada Amniga Puntland oo bilaabay Hawlgalo lagu socodsiinaayo lacagaha shilinka Soomaaliga ee la diiday

Hay’adaha  Amniga Puntland ah lagu amray in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo diida isticmaalka iyo socod-siinta Shilin Soomaaliga.

Degaanada Puntland qaarkood, ayaa lagu arkay ciidamo labisan iyo kuwo dharcad u badan, kuwaas oo lagu amray in ay xabsiga dhigaan cid kasta oo diida lacagta Shilin Soomaaliga.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa wata Lacago shilin Soomaali ah, waxaana la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii lagu ogaan lahaa dadka diiddan Shilin-ka, islamarkaana xabsiga loogu geyn laha lahaa dadkaas.

Arintaan ayaa imaaneysa Xilli deganada Puntland laga diiday qaadashada iyo Isticmaalka lacagta shilinka Soomaliga taasi oo maamulka Puntland Go’aamo uu ka soo saaray

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com