Ciidamada Amniga Koofuur galbeed oo Hawlgalo ka wada Magaalada Baydhaba

Ciidamada Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa Hawlgalo ka wada Magaaladaasi , Hawlgalkaas oo lagu soo qabtay Dad badan.

Hawlgalka ayaa bilowday ka dib markii bamgacmeed la tuuray Fariisin ay ciidamada Amniga Koofurgalbeed ay ku leeyihiin Magaalada Baydhaba waxaan rasaas ay Fureen Ciidanka Bamgacmeedka lagu weeraray khasaare kala duwan uu ka soo gaadhay laba gabdhood oo ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in saakay xabsiga dhigeen Ciidanka Amniga koofur Galbeed kuwaas oo lagu sameeynaayo baaritaano .

Amniga Magaalada Baydhaba ayaa muddooyinkii dambe xasilnaa iyadoona halkaas Hawlgalo Amniga lagu sugayo ay ka wadeen Ciidanka Nabad gelyada ee Koofur galbeed

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com