Ciidamada ammaanka oo xiray Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa saakay xiray waddooyinka xiriira Wadnaha & Maka Al-Mukarara, waxaana ay ku jiraan Gawaarida Dagaalka oo ku buufsan sumadda Booliiska Soomaaliya.

Gaadiidka waxaa laga joojiyay in ay isaga kala gudbaan waddooyinka xiran, dadka ayaa lugeynaya (Cagahooda Maalaya) iyaga oo is weydiinaya sababta loo xiray waddooyinkaan oo muhiim u ah isku xirka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Jid-caddayaasha Xaafadaha dhexmara waxaa horay u xirtay Dowladda Federaalka oo dhigtay dhagaxaan culus, keliya waxaa furnaa waddooyinka waa weyn ee dhanka Isgoysyada oo la dhigay Ciidamo joogta u joogo si ay u hubiyaan Gaadiidka.

Xiritaanka waddooyinka waxa ay kusoo beegmatay xili dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo dhanka Doorashooyinka la xiriirta, waxaana indhaha lagu hayaa fadhiga Baarlamaanka oo Xildhibaannada qaar ay muujiyeen tuhun muddo dheereysi ah ay ka muujiyeen kulankooda oo labo jeer todobaadkaan Baaqday.

Ciidamada ammaanka Dowladda ayaa inta badan xira waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana dhibaatada ugu weyn ku qaba Ardayda, Dadka u socda Goobaha Caafimaadka & shaqooyinka oo aan horay u heysan digniinta xiritaanka jidadka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com