Cidanka Danab oo Hawlgal ku soo qabtay Baabuur Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Hawgal Ciidanka kumaandooska ee Danab ay ka Fuliyeen  Tuulada Cadcadeey oo ka Tirsan degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose

Hawlgalka ayaa Ciidanka Danab ay ku soo qabteen Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo loo soo waday magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Kumaan dooska ee Danab ayaa sheegay in Hawlgal uu si gaar ah uga dhacay Tuulada Cadcadeey oo ka Tirsan tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye halkaasi oo ay sheegeen in Alshabaab ay ku diyaarinaayeen Gaari Homey ah oo ay ku sareen walxaha qarxa .

Ciidanka Danab  ayaa Hawgalkaasi ku dhaqaaqay ka dib markii markii xog ay ka heleen Dadka shacabka oo ku war geliyay in Alshabaab ay walxaha qarxa ku diyaarinyaan Tuulada Cad Cadeey ka dib ciidankaasi Hawlgallaasi ay ku qaadeen.

Alshabaab ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay qaraxyada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com