Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa Cambaareeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mudac uu Farmaajo cid walba ku duro war qoraloo uu soo saaray
CC Warsame ayaa wuxuu Sidoo kale in warqadaha wiiftada ah iyo wararka deg-degga lagu tabiyo aysan laheyn meel loo celiyo ama cid kale oo talo ku darsata isagoo soo hadal qaaday golaha wasiirada, gole amni qaran, guddiyada arrimaha dibadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka.
Hadaba Hoos ka Akhriso Qoraalka uu Bartiisa Face buugga soo dhigay CC Warsame
Siyaasaddii Arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.
Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com