Caruur Haraad ugu geeriyootay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Abaaraha ka jira Degmadaasi ay saameyn xooggan ku yeeshay nolasha dadka shacabka ah ee ku nool Degmadasi

Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in ugu yaraan laba canug ay harraad ugu geeriyoodeen deegaano hoostaga degmadaasi.

Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku jirta go’doon ay saareen kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo qeyb ahaan meel ka degan, kuwaasoo isku ugaarsada gudaha magaalada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com