Boqolaal caruur ah ayaa ladilay, kuwa kalane si qasab ah ayaa loogu xiray Myanmar, tan iyo afgambi ka bilowday bishii 2-aad ee sanadkaan, sida laga soo xigtay khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Xubnahaan QM ka socda ayaa sheegay in xaalad caafimaad oo deg deg ah oo dhanka COVID-19 ah ay ka jirto balse qalalaasaha siyaasadeed ee wadanka uu sii socdo.
Guddiga xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii sheegay in ay heleen “macluumaad lagu kalsoonaan karo” oo sheegaya in 75 carruur ah la dilay ku dhowaad 1,000 oo kalane lagu qabtay Myanmar tan iyo 1-dii Febraayo ee sanadkaan.
“Carruurta Myanmar waxay ku jiraan go’doomin, waxayna la kulmayaan masiibo naf ahaaneed kadib inqilaabkii militariga,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Mikiko Otani.
Dadka degan Myanmar ayaa kaqeyb qaatay mudaharaadyo waa wayn laakiin waxaay la kulmeen jawaab militari oo arxan dara ilaa iyo sidii uu u bilowday afgambigii xukunka looga tuuray hogaamiyihii rayidka Aung San Suu Kyi.
“Carruurta waxay la kulmaan rabshado aan kala sooc lahayn, toogasho aan kala sooc lahayn iyo xarig aan loo meel dayin maalin kasta,” ayuu yiri Otani.
Waxaa uu sii raaciyay, in dhalaanku ay wataan qoryo iyaga oo arka isla wixii ku dhacay waalidkood iyo walaalahood.
Guddigaan oo ka kooban 18 khabiir madax-bannaan ayaa loo xilsaaray in ay kormeeraan hirgelinta Heshiiska Xuquuqda Carruurta, ee ay Myanmar saxeexday 1991-kii.
Khubaradu waxay yiraahdeen “waxaan si adag u cambaareynayaan dilka carruurta ee taliska iyo booliska”, iyaga oo tilmaamay in “dhibbanayaasha qaarkood lagu dilay guryahooda”.
Bayaanka Gudigga oo tusaale u soo qaatay caruurta la dilay ayaa kusoo daray gabar lix sano jir ahayd oo magaalada Mandalay ay booliisku caloosha ka toogteen.
Khubaradu ayaa waxaa sidoo kale dhaleeceeyeen xadhiga baahsan ee caruurta loogu geysto xarumaha booliska, xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo ciidamada, waxaana ay taasi ku tilmaameen lahaystanimo in caruurta ka dhigayso.
Qaramada Midoobey ayaa Waxay farta ku fiiqeen mas’uuliyiinta militariga, iyaga oo ku wargeliyay dhaqanka ah in carruurta la qafaasho markii ay awoodi waayaan in ay xiraan waalidkood, oo ay ka mid ahayd gabar shan jir ah oo ku nool gobolka Mandalay oo aabbeheed uu gacan ka geystay abaabulka dibad-baxyo looga soo horjeedo milateriga.
Jimcihii, shabakadda wararka ee Myanmar Now ayaa sida oo kale soo warisay in caruur da’doodu tahay 12 iyo 15 ay ka mid yihiin in toddobo tuulo oo hoos taga gobolka Mandalay la xiray, laguna soo oogay in ay haysteen waxyaabaha qarxa.
Magaalada ugu weyn dalka ee Yangon, isbitaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhamaadeen sahaydii oksijiinta, dadkuna waxa ay si iskood ah isugu dayayeen inay ka badbaadiyaan xubnaha qoyskooda inay u dhintaan cudurka. Waxaa sidoo kale jira warbixino sheegaya in naxashyada la iibiyey sababo la xiriira kororka dhimashada COVID-19.
Sida ay wararku sheegayaan, in ka badan 200,000 oo qof ayaa ku dhacay cudurka ‘COVID-19’ ee dalka, iyadoo in ka badan 4,300 ay u dhinteen, in kasta oo khubarada caafimaadku ay sheegeen in tirada dhabta ah ay intaas ka badan karto.