Caqabad Cusub uu wajahayo Shirka looga hadlayo Doorashooyinka Soomaaliya

Shirka u Dhexeya Dawlada Federaalka , Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa shaki badan laga muujinaya qabsoomidiisa

Shirkaan oo looga hadlayo Arimaha doorashooyinka dalka ayaa waxaa ku gadaaman dhowr Arimood oo caqabad ku noqon kara qabsoomida shirka, inkasta oo Beesha Caalamka ay dadaalo ku bixineyso qabsoomida shirkaasi.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu wado qorshe lagu fashilanayo Shirka loo ballan san yahay in lagu qabto Teendha Afisiyoone Halkaas oo meeshii 4 sano ka hor isaga lagu doortay

Ilo Wareedyo  ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo u waramay warbaahinta Aaragti Cusub ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka soo horjeedo in shirka Dawlad Goboleedyada , Dawlada Federaalka iyo Maamulka gobolka Banaadir  lagu qabto Teendhada Afisiyooni

Madaxweyne Farmaajo ayaa taas badalkeeda door bidaya in shirka lagu qabto Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya isaga oo Taageero ka helaya Maamulada Galmudug, Koofur , Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland ayaa kal hore dalbaday in shirka looga hadlayo arimaha doorashooyinka soomaaliya lagu qabto garoonka diyaaradaha muqdisho ama xalane iyadoo durba loo Asteeyay shirkaasi in lagu qabto Teendhada Afisiyooni.

Saaxiibada Soomaaliya ee loo yaqaan Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaya qabsoomida shirka doorashooyinka Soomaaliya looga hadlayo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com