Cali shacbaan oo loo doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare

Hangarka teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho Waxaa lagu qabtay doorashada Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha aqalka Sare lagu doortay Senoter Cali Shacbaan Ibraahim

Wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa waxaa ku tartamay Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Senoter Cali Shacbaan Ibraahim,iyadoo markii  isku mari waayeen wareega 1aad, waxaana codadka ay u kala heleen oo markaas ay kala heleen codad isku dhigma 27-iyo 27.

Wareegii labaad ayaa loo gudbay waxaana ay ku kala guuleeysteen sidaan :

1: Senoter Cali Shacbaan Ibraahim oo guuleystay wuxuu helay 28 Cod

2: Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa helay codad gaaraya 25

Waxaa halaabay hal Cod

Sidaas ayaa Cali shacbaan uu ku noqday Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare