Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Madaxweyne Farmaajo Waxa uu Hadda Xilka ku haayaa Waa Inqilaab

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuurkana tirsan Golaha Midowga Musharixiinta  ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dhamaaday muddadii uu dastuurku u jideeyay xilka madaxweynaha, isagoona ku eedeyay inuu ku fashilmay isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo fashilkii ku yimid shirkii wada-tashi ee Dhuusamareeb, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii laysku qabtay arrimo la xiriira in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Beesha caalamka uga digay inay qeyb ka noqdaan damaca  Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay dalka kusii hayaan ayada oo mudadda xil-hayntiisu ay dhamaatay, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmajo hadda inqilaab uu xilka ku haayo  taasi oo uu sheegay in sharciga ay baalmarsan tahay waa sid uu yiri  Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com