Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Xeer uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sharci daro ku tilmaamay xeer uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhigaya ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah.

Farmaajo ayaa xeerkan u cuskaday in la galay xilligii doorashooyinka ayna sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, isla markaana ay bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Hase ahaatee, Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu maanta ku dhaqaaqay tallaabo halis gelinaysa jiritaanka Hey’addaha Dastuuriga ah, sidaas darteed xeerka uu maanta saxiixay uu baalmarsan yahay Dastuurka, mana lahan wax raad sharci ah.

“Go’aan kasta oo ku saabsan maareynta iyo ansixinta dib-u-eegista dastuurka waxaa si gaar ah ugu xil saaran labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida ku cad qodobka 63aad (A) iyo qodobka 71aad (A) ee dastuurka KMG ah iyo habraaca dastuuriga ee ku qeexan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi oo u qornaa sidan:-

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com