Caasha Maxamed oo ah 19 Jir Taksiile ka ah Magaalada Muqdisho +Daawo Sawiro

Caasha Maxamed oo 19 sano jir ah waa taksiile ku nool Soomaaliya, iyada oo kharashka ka soo gala ku dabbarta nolol-maalmeedkeeda qoyskeeda.

Tan iyo sanadkii 2020 , gabadhan da’da yar ayaa lagu arkayay iyada oo gaari ku dhex wadda magaalada Muqdisho.

Sababta ay ku dooratay gaari kaxaynta waa xirfad ay jeceshahay, sidoo kalena waa wax ay ku qasbaneyd maaddaama ay kala tageen seygeeda – oo ay is guursadeen iyada oo 16 jir ah—waxayna haatan daryeeshaa nolosha labadeeda carruur iyo hooyadeed.

In gudaha Muqdisho ay haweenay gaari ku dhex waddo waa mid naadir ah. Sidoo kale waa halis maaddaama ay isgoysyada magaalada ka dhacaan qaraxyo gawaari loo adeegsaday.

Qaraxii 13-kii February ka dhacay magaalada, saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen. Balse Caasho oo aad u jecel gaari kaxaynta, taasi ma cabsi gelinin.

“Yaraanteydii, waxaan jeclaa inaan maalin uun darawal noqdo, balse kuma fekereynin inaan taksiile noqon doono,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in fursadda gaari kaxaynta ay siisay shirkad takaasi oo cusub oo lagu magacaabo Rikaab.

“Tirada haweenka taksiileyda ah way yaraayeen sababo dhanka ammaanka ah, balse tirada haweenka gawaarida kaxeeya way soo badanayaan,” ayay tiri Ilhaan Cabdullaahi Cali, oo ah madaxa maaliyadda ee Rikaab.

Si kastaba, keliya saddex ka mid ah takaasida shirkadda ee 2,000 gaaraya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaxeeya haween.

Caasho waxay maalintii heshaa $40, taas oo u suurto gelisa inay ku biisho qoyskeeda, waxayna rajeyneysaa inay wax ka beddesho fekerka ay ragga ka qabaan doorka haweenka.

Macaamiisha ayay mar walba la yaab ku noqotaa marka ay soo galaan gudaha gaariga cad ayna arkaan Caasho, oo uu u marsan yahay make-up isla markaana xiran xijaab midabbo leh.

Sadiiq Daahir, oo dhigta Jaamacadda Salaam, ayaa qirsan inuu la yaabay markii ugu horreysay ee uu arkay Caasho oo u timid inay isaga soo qaaddo, balse fekerkiisa ayaa isbeddelay.

“Dhawaan waxaan isticmaalayay adeeggan Rikaab. Inkastoo ay tahay shaqo ay raggu u badan yihiin waxaan door bidayaa darawallada haweenka ah sababtoo ah si taxadar leh ayay gaariga u wadaa waqtigana way ilaalisaa ayuu yiri’ macaamiilkaas”.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com