Caalim u dhashay Dalka Masar oo ku baaqay in la sameeyo Ciidan Muslimiinta ay leeyihiin

Caalimka Reer Masar ee Sheekh Dr Axmed Cumar Haashim ayaa madaxda dowladaha Islaamka ugu baaqay in ay sameystaan “ka hortag” xilli uu Khudbaddii Jimacaha ka jeedinayay masjidka Al-Azhar.

Sheekha ayaa si kulul uga hadlay rabshadihii ka dhacay Qudus, waxaana uu Israa’iil ku eedeeyay inay ku xadgudubtay muqasaadka masjidka Al-Aqsa.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka inay sameeyaan ciidan ka hortagga [dhibaatooyinka jira]….. Wixii xoog lagaaga qaata waxaa lagu soo ceshadaa xoog,” ayuu yiri Sheekhan mar hogaamin jiray jaamacadda Al-Azhar.

Shacabka Masar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khudbadda Sheekha, waxaana kuwa ku kacsan dowladda ay sheegeen in ay tahay mid lagu dejinayo dareenka dadweynaha ee ku aaddan waxa ka socda Gaza.

Taageerayaasha xukuumadda Abdulfataax Al-sisi ayaa sheegay in Sheekh uu muujiyay mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiiniyiinta. Masar oo xuduud la leh Gaza ayaa horay u muujisay inay dhexdhexaad ka tahay colaadda taagan.

Wasiirka arimaha dibedda Masar, Saamax Shukri, ayaa Talaadadii hore shaaciyay in Israa’iil ay dhegaha ka furaysatay baaq ay Masar u dirtay oo ahaa in la joojiyo colaadda Gaza.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com